Download_Loan Application

How to request?

Shirkada Kaah Islamic Microfinance Services (KIMS) waxay dhallinyarada Somalia  ugu bushaaraynaysaa inay u soo bandhigtay Mashruuca KIMS PLUZ oo ah maalgelin  u gaar ah da’yarta.

KIMS PLUZ wuxuu fursad u siinayaa dhalinyarada (rag iyo dumar) doonaya inay bilaabaan ganacsi cusub ama u baahan badhitaar ganacsi hore u jiray. Waxaana lasiinayaa maalgelin lacago deyn ah oo lagu soo celinayo muddo 6-12 bilood gudohood.

Ciddii danaynaysaa mashruucan waxa looga baahan yahay inay buuxiso shuruudaha soo socda.

  • Inuu soo buuxiyo foomka Codsiga (application Form)
  • Inuu soo gudbiyo foomka fikradda Ganacsiga,  isagoo soobuuxinaya (Concept Note)
  • Inuu leeyahay ganacsi hore u jiray ama uu doonayo inuu bilaabo mid cusub
  • Inayda’diisu u dhaxayso 18-35 sano.
  • Lacagta lasoo dalban karo$ 5,000- $ 50,000
  • Inuudiyaar u yahayqiimaynlagusameeyo (appraisal), iyadoo la hubinayo, shaqsiyadiisa, fikradiisa iyo ganacsigiisaba.
  • Inuu diyaar u yahay inuu qaato tababar kusaabsan Xirfadaha maamulida ganacsiga (Business development /management skills) muddo 2-3 bilood lagugelayo Beledweyne.
  • Tababarka ka dibin uusoo gudbiyo qorshe ganacsi (business proposal),wuxuuna ka horjeedinayaa gudida maalgelinta (Investment Committee)
  • Inuu soo gudbiyo Codsiga ugu dambayn Arbaca, 15-10-2015, Saacada 05:00 Galabnimo wakhtiga Hargeisa.

Foomka codsiga iyo kan Firkada Ganacsiga (concept note) waxalaga heli karaa: Xafiiska Kaah Express ee Beledweyne ama websiteka KIMS: www.kimsmfi.com

KIMS map of location

Download KIMS Brochure